Wasiirka Lacagta Soomaaliya oo sheegay in heer gabogabo ah ay marayso soo saarista lacag ay Dowladda Soomaaliya sameynayso

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in lacagta cusub ee ay sameynayso Dowladda Soomaaliya ay soo saaristeedu marayso heer gabogabo ah.

Yariisow wuxuu sheegay lacagtaas ay ugu talogaleen inay wax kaga qabtaan sicir-bararka dalka ka taagan, isla markaana ay sarif u noqoto kunka shillin ee ka haray lacagta Soomaaliya.

"Lacagta cusub waxay maraysaa heer gabogabo ah, dhawaan ayaana dalka la keeni doonaan si loo isticmaalo" ayuu yiri wasiirka oo sheegay in heshiiska lagu sameynayo lacagta ay la galeen dalka Suudaan.

Wasiirku wuxuu daboolka ka qaaday in lacagtu ay ka koobana doonto 2-kun illaa 10-kun oo Shillin Soomaali ah, si ay sarif ugu noqoto lacagta kale, isla markaana aanay dad shaqsiyaad ah soo sameysan karin, tayo ahaan marka la eego.

"Dowladdu way ka fikirtay in lacagtan ay sicir-barar keento, waxana doonaynaa in aan ku hagaajinno sicir-bararka dalka ka jira, maadaama sarifka Dollarku uu marayo meel aad u sarreysa" ayuu yiri Wasiirka oo ka jawaabayay su'aal ahayd in dadku ay cabasho ka keeneen lacagta ayna ka baqayaan in sicir-bararka ay kordhiso.

Eng. C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonyahanno ku taqasusay dhaqaalaha kala tashatay sameynta lacagta, ayna ku kalsoon tahay inay wax ka badalayso sicirka sarreeya ee hadda jira.

Su'aal ahayd sida ay ka yeelayaan diidmada ka timid Maamulka Puntland iyo kooxaha Dowladda kasoo horjeeda ee ku aaddan dhaqangelinta lacagta cusub ayuu sheegay inaysan wax walwal ah ka qabin inay noqoto mid dhaqangasha, labada dhinacna ay ka dalbanayaan inay qayb ka qaataan hoose u dhigga sicir-bararka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya