Xukuumadda Kenya oo beenisay inay kulamo la qaateen mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Sarkaal u hadlay Dowladda Kenya ayaa beeniyay inuu jiro kulan dhexmaray saraakiil Kenyan iyo kuwo maamulka degmada Baladxaawo ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Saxaafadda Soomaaliya ayaa baahisay in kulan ay ku yeesheen xuduudda ay Kenya kala wadaagto Soomaaliya Gobolka Gedo saraakiil ka tirsan Xarrakatul Shabaab iyo Mas'uuliyiin Kenyan ah, taasoo ay kaga hadleen ammaanka xuduudda.

Mas'uul dhanka ammaanka ah oo u hadlay Kenya ayaa sheegay in kulankii xuduudda ka dhacay uu ahaa mid u dhexeeya laba odayaal dhaqameed oo kasoo kala jeeda Degmooyinka Mandheera-Kenya iyo Buuloxaawo-Soomaaliya, ayna ka hadleen ammaanka labada degmo.

"Dowladda Kenya lama kulmi Al-shabaab lama kulmayso, waayo waa koox khatar ku ah ammaanka dalkeenna, waan been wararka sheegaya inaan la kulanay" ayuu ku yiri mas'uulkan wareysi uu siiyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Ingiriiska.

Shirka ka dhacay xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhinacyadii yeeshay waxay ku gaareen heshiis ay kaga hadlayaan ammaanka labda dhinac, iyadoo dhinac walba uu dhinaca kale eedeyn u jeediyay.

Heshiiska ayaa la sheegay inay ka mid yihiin in dib loo soo celiyo gaari laga dhacay Bankiga dalka Kenya oo weli gacanta ugu jira kooxo dabley Soomaaliyeed ah inkastoo aan la saxiixin heshiiskaas.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyaguna dhankooda weli ka halin kulanka la sheegay inay yeesheen saraakiil iyaga ka tirsan iyo kuwo ka socda dalka Kenya, iyadoo maamulka Jubbooyinka uu shalay ku dhawaaqay jihaad ka dhan ah Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya