Xoogagga gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo xilliyada habeenkii soo bandhiga Fillimo ka tarjumaya Jihaadka.

Isiniin, Feb, 8, 2010 (HOL) Inkastoo dadka reer Beledweyne aysan u aheyn wax ku cusub Muxaadarooyinka diiniga ee Xoogagga Islaamiyiintu ku soo badhigaan goobaha dadku ku badan yahay kuwaa oo looga hadllo arrimo u badan ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo waajibaadka saaran qofka Muslimka ah, ayaa dhinaca kale waxaa xusid mudan in dhowrkii habeen ee la soo dhaafay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ahaayeen kuwo siweyn ugu mashquulsan la socoshada Aflaam ka hadleysa Jihaadka iyo dagaallada ku saleyan diimaha taasoo siweyn u soo jiidatay dareenka dhaliyarro badan xaliyada habeenkii u daawasho tagta.

Marka aad u fiirsato Aflaamtaasi ma'aha mid ka tarjumaya xaalada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo dagaalladii Xoogagga Islaamiyiintu galeen, laakiin taa badalkeeda inta badan waxaad ku arkeysaa muqaalllo leysku soo duway oo ku saleysan dagaalllada u dhaxeeya dadka reer Falistiin iyo Israa'iil, Af-gaanistaan iyo Taalibaanka ka dagaalama, iyo waliba dhacdooyin dhax socda oo mar marka qaar u muuqda kuwa lagagga argagaxo sida qof muslim ah oo si xun loo garaacayo ama la gowracayo taasoo ay ku kacayaan dadka aan muslimka aheyn.

Sidoo kale waxaan meesha ka mareyn muuqaallo Siyaasadeed oo lagu dhaleeceynayo dhaqamada mas'uuliyiinta Dowladda hadda ka jirta dalka Soomaaliya oo laleeyahay waxaa ay meel ka dhac ku sameeyeen Shareecada Islaamka sida Madaxweye Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Dhinaca kale waxaan iyana meesha ka marneyn kalmado loo jeediyo dadka ka qeyb qaadanaya daawashada Aflaamta ku saleysan Jihaadka kuwaa oo dhamaantooda ku qotoma muuqaalada laga arkayo Fillimka dhaxdaasi, sida bal in diyaar loo yahay in laga wada qeyb qaato Jihaadkaasi socda ee u dhaxeeya dadka Muslimka ah iyo kuwa aan Muslimka aheyn taasoo soo jeedata qalbiyada dhaliyarro badan.

Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ayaa horey u mamnuucay daawashada Shaleemooyinka oo ahaa kuwa inta badan lagu soo bandhigi jiray Aflaam mar marka qaar la dhihi karo kuma wanaagsana Shareecada Islaamka iyo dhaqanka toona, laakiin waxaa hadda muuqaneysa in taa badalkeeda dhaliyarada loo weeciyay la socoshada dhacdooyinka diimeed ee ka jira dunida gaar ahaan dagaallada ku saleysan Jihaadka iyo difaaca diinta, iyo nafta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]