Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in xoogagga kasoo horjeeda ay kasoo dajiyeen dekedda Ceel macaan ee duleedka Muqdisho ciidamo shisheeye ah oo ka kooban Eriteriyaal iyo Itoobiyaan.
Col. Aadan Maxamed Ibraahim (Kaalmoy) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in 170-qof oo Itoobiyaan iyo Eriteriyaan ah ay xoogagga Dowladda kasoo horjeeda kasoo dajiyeen dekedda Ceelmacaan ayna xalay qayb ka ahaayeen dagaalladii ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.
"Maalmo ka hor ayaa ciidamadan laga soo dajiyay dekedda Ceelmacaan, waxaana saldhig looga dhigay Warshaddii Baastada, waxayna xalay weerarro kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada Dowladdu ku leeyihiin waqooyiga Muqdisho" ayuu yiri Afhayeenka Ciidamad Milateriga Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka ciidamada xoogga wuxuu sheegay in ciidamadaas ay dhowr hoobiye ku rakibteen Howlwadaag ayna madaafiic culus ku garaaceen degmooyin ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo waxyeello u geystay dad shacab ah.
"Madaafiicda ay tuureen waxay ku garaaceen xaafado ka tirsan waqooyiga Muqdisho, SOS oo degmada Huriwaa ka tirsan iyo Gubta, ujeeadooduna waa inay yiraahdaan waxaa soo tuuray dowladda iyo AMISOM" ayuu yiri Col. Aadan Kaalmoy.
Dagaalladii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 9-qof sida hay'adda Elman ay sheegtay, waxaana ku dhaawacmay 15-qof oo kale, kuwaasoo ahaa dad rayid ah oo ay madaafiic kula dhacday guryahooda, waxaana mas'uuliyaddiisa sheegtay Xarrakatul Shabaab.
Kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan, waxaana horay wasiirka wafaafinta DFKMG ah ugu eedeeyay dalka Eritrea inay weli waddo hubeynta kooxaha dowladdiisa ku kacsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya