
Talaado, November 23, 2010(HOL): Dr. Cali Sheikh Ahmed oo ah gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho ayaa dhawaanahan wuxuu booqosho ku marayey qaar ka mid ah wadammada ku yaalla waqooyiga yurub, gaar ahaan Scandenevia; hadaba bulsho-weynta ku dhaqan Dalka Sweden waxay nasiib u heleen in ay la’ kulmaan isla markaana ka faaiideystaan Dr. Cali, iyadoo fursadaha noocaas oo kala ah ay aad ugu weyn tahay bahda had iyo jeer jecel ama danaysa waxbarashada iyo Iftiinka aqoonta.
Dr. Cali wuxuu soo maray magaalada labaad ee dalka Sweden ee Gothenberg iyadoo uu maanta oo ay bishu tahay 21 November uu soo gaaray magaalada Borlänge.

In ku dhaw 400 oo ruux ayaa isugu yimid Dugsiga Maserskolan ee ku yaal Degmada iyadoo wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo hilow lixaad leh oo ay u qabeen dhageysiga mowduuca uu Diktoorku lasoo shir tagay.
Saacaddu markay ku beegnayd 16:30 galabnimo ayay furantay muxaadaradii uu Dr. Cali ugu tala galay dadweynaha ku dhaqan Degmada Borlänge. Ugu horrayntii waxaa lagu furay Aayado Qur’aan ah, ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey Mikrofonka Abwaan: Ibrahim Max’ud Weheliye oo halkaa kasoo jeediyey Gabayo qiimo iyo qaayo leh kuwaasoo ruxay dhammaan qalbiyada dadweynihii soo xaadiray goobta.
Waxaa la’ soo bandhigay filim gaaban oo ka waramayey Jaamacadda Muqdisho iyo faracyadeeda, iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay. Intaa dabadeed waxaa si kooban looga waramay Taariikhda Daktoorka oo kooban ka hor intaan Mikrofonka lagu soo dhawayn.

Dr. Cali wuxuu si qoto dheer uga hadlay Mowdiicii ay ku saabsanayd ama ka hadleysey Muxaadaradu kaasoo ahaa: Danta Guud iyo Dareenka Umadda. Dhegeysi huffan ka dib waxaa la soo gaaray gunaanadkii kulanka iyadoo aad looga sawiranayey wajiyada dadka inay jecel yihiin in Muxaadaradu sii socoto. Su’aalo dhowr ah oo ku wajahnaa Muwduuca ayaa la’ weydiiyey Diktoorka kuwaasoo si waafi ah uu uga jawaabey, ka dibna kulankii waxaa lagu soo afjaray Aayado Qur’aan ah.






Mohamed Abdulle Hassan “Siidi”
[email protected]
Borlänge – Sweden