Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Ra’iisul wasaaraha Somalia Max'ed C/llaahi Max'ed (Farmaajo), oo warsaxaafaedeed maanta kasoo saaray xafiiskiis Muqdisho, ayaa ka codsaday maamul goboleedyada, odayaal-dhaqameedyada, culimmada, waxgaradka, haweenka iyo dhallinyarada gobolka Mudug inay kala dhex-galaan beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayna baajiyaan dhiiga macno-darrida ku daadanaya.
"Waxaa, nasoo gaaray warar ku saabsan dagaallo ka dhacay gobolka Mudug, gaar ahaan degmada Gaalkacyo, waxaana codsanaynaa innagoo tixraacayn baaqyadii nabadeed ee hore in dagaalladaasi si deg-deg ah loo joojiyo," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.
Mudane Max'ed Farmaajo, oo sheegay in dagaal uu wiil ku dhinto, balse aanu wiil ku dhalan, ayaa warsaxaafadeedka ku yiri: "Waxaan tacsi u dirayaa ehellada intii ku geeriyootay dagaalladaas, intii dhaawacantayna waxaan u Alle uga rajeynayaa caafimaad."
Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in iyadoo la eegayo marxladda uu dalku marayo awgeed loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, si looga hortagto dhibaatooyinka dadka iyo dalka haysta oo ay ka mid tahay dagaallada ay hurinayaan mucaaradka.
Ra’iisal wasaaruha, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu helay warar sheegaya inay abbaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada kasoo gaareen gobollada dalka, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is-qabsadaan, iskana kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatada taagan, isagoo Alle ka baryay inuu ka dul-qaado dhibaatooyinkaas, isagoo beesha caalamka ka codsaday inay gacan siiso ummadda sidii ay uga gudbi lahayd abaartaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya