Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Banaadir, ayaa shalay ku dilay xerada maslax ee duleedka Muqdisho laba dhallinyaro ah oo mid ka mid ah lagu eedeeyay inuu jaajuus ahaa iyo kan kale oo lagu eedeeyay inuu fal ka baxsan sharciga islaamka ku kacay.
"Dhallinyarada xukunka dilka ah lagu fuliyay, oo ahaa 18-jirro, ayaa waxaa mid ka mid ah lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xuseen Axmed (Musbaar), wuxuun ahaa jaajuus u shaqeynayay dowladda Soomaaliya, gobolka Shabeellada hoose ayaana laga soo qabtay, isagoo dambigiisa ka horqirtay maxkamadda," ayuu yiri Sheekh Cumar oo ah garsooraha maxkamadda Xarrakatul Shabaab ee gobolka Banaadir.
Sheekh Cumar, wuxuu sheegay in Ismaaciil Musbaar uu sheegay in dowladda KMG ah ay u dirtay inuu qaraxyo ka geysto masaajidda ku yaalla gobolka Shabeellada hoose, sidoo kalena uu maleego shilqoollo lagu dilo mas'uuliyiinta gobolkaas.
Eedeysanaha kale, oo ee la dilay oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Cali Maxamed, ayaa lagu eedeeyay inuu u galmooday wiil sagaal jir ah, taasoo keentay in la toogto, iyadoo garsooruhu uu sheegay in maxkamadda horteeda ka qirtay dembiga.
Boqolaal qof oo shacab ah, ayaa ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay, inkastoo ay ka gaabsadeen inay saxaafadda uga warramaan sida ay u arkeen dilalka lagu fuliyay labada dhallinyarada ah, balse garsooruhu ay sheegay inay dilalkaas u cuskadeen diinta Islaamka.
Ma ahan, markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab oo inta badan Soomaaliya gacanta ku hayso fuliyaan dilal noocan oo kale, waxaase ay horay u fuliyeen dilal iyo ciqaabyo kala duwan tan iyo markii ay ku dhaqanka sharciga Islaamka ku rogeen gobollada ay ka taliyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya