
Agagaarka goobta lagu dilay ninka Soomaaliyeed, Xaafadda Islii (Eastleigh), Nairobi - Sawirka: HOL
Talaado, Nofember 23 (HOL) - Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxaa diley tuugo, iyagoo toorey kala dhacey dhuunto, dhiig bax badan kadib halkii ayuu ku naf waayey.
Dadweynihii ka ag dhawaa halka uu falka ka dhacey ayaa aad ugga naxey, wuxuuna wakhtiga ku beegnaa xili hore oo aroortii ah, kaasoo dadka intiisa badan ay jiifeen.
Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Cali Faarax Geedi ayaa markii la dilayey wuxuu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee magaaladan Nairobi waxaana safarkaa ku wehliyey walaashiis, waxayna u ambabixi lahaayeen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Goobta lagu dilay marxuumka ayaa ahayd agagaarka dhismaha cusub ee loo yaqaano Al-Hayaad Plaza una dhaw jidka loo yaqaano Jaam Street
Ma cada sababta ka danbeysay dilkan, waxaase loo aaneynayaa fal dhac burcadnimo, oo ay tuugadan ku doonayeen iney ku qaataan waxyaabaha ay wateen dadkan safarka ah.
Tani waxey muujineysaa sida ammaan daridda ay uggu soo badaneyso maalinba maalinta ka danbeysa xaafada Islii (Eastleigh), ayaa waxaa intaa wahliso, qashin fara badan oo meel waliba yaalla oo caafimaadka halis ku ah, koronto xumo iyo biyo la’aan.
Maahan markii uggu horeysay ee falal amni daro ah ay galaaftaan nafta dadka kudhaqan xaafadaan Islii.
Dhawaan ayey aheyd markii lagu diley wadada todobaad (Seven Street) nin Soomaali ah oo halkaasi dukaan ku lahaa.
Eastleigh waa suuqa uggu weyn Nairobi iyo gabi ahaan dalkan Kenya, dadka ka adeegta waxey isugu jiraan dad kala duwan, oo ka kala yimaada dalalka bariga iyo bartamaha qaarada Africa.

Maamulka ganacsatada suuqa Islii (Eastleigh) ayaa dhowr jeer u diray codsi ay kaga cabanayaan ammaan darrarada ka jirta xaafadda Islii, laakin dowladda Kenya ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab ah aanan ka bixin dhibaatooyin maalinba maalinta ka dambeysa ka sii daraya. Taas ayaa kaliftay in ay ganacsatada suuqa Islii joojiyaan bixinta canshuuraha, iyagoo taasi ula jeeda iney cadaadis ku saaraan dowlada si loo dhageyst cabashooyinkooda.
Qawmiyadda Soomaali-Keenyaanka waxaa tartan addag oo dhanka ganacsiga ah uu kala dhaxeeya qawmiyadaha kale ee kunool dalka gaar ahaan Hindida, kuwaasoo dad badan ay ku eedeeyaan in caqabadaha badan ee suuqa kuhor gudban ay gadaal iyaga kasoo maleegaan.
Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
E-Mail: - [email protected]