Ciidanka Kenya oo qabqabtay dhallinyaro looga shakiyay inay doonayeen inay ku biiraan Xarratul Shabaab

Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Ciidanka ammaanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay toddoba dhallinyaro ah oo uu ku jiray wiil u Nayjeeriyaan ah oo dhalashada dalka Ingiriiska haysta, kuwaasoo looga shakiyay inay doonayeen inay aadaan dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Warkan, oo ay maanta oo Talaado ah baahisay saxaafadda Kenya, ayaa la sheegay in lixda kale ee dhallinyarada ah ay Kenyaati yihiin, iyadoo su'aalo lagu weydiinayo magaalada xeebta ku taalla ee Mombassa.

Sarkaal ka tirsan booliiska Mombassa, ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation ee ugu weyn dalka Kenya, in dhallinyaradan laga soo qabqabtay deegaanka Laamu, xilli ay doonayeen inay dooni ka raacaan halkaas si ay ugu tallaabaan Soomaaliya.

"Innaga, ayaa ku wargelinnay booliiska inay caruurteennu maqan yihiin. Balse markii ay ciidammadu la wareegeen waxaan nagu batay walwalka, runtii wiilkeygu wax xiriir ah lama lahan Al-shabaab," ayuu yiri Aabbaha Saalax C/kariim oo ka mid ah dhallinyarada ay ciidammada Kenya gacanta ku hayaan.

Dhallinyaradan, ayaa ahaa dhallinyaro dhiganayay Iskuullada dugsiga sare, sida ay sheegeen waalidiinta dhalay, waxayna waalidiinta qaarkood sheegeen inay dhibaato kasoo mareen korintooda iyo waxbariddooda.

Waaliddiinta, dhallinyaradan oo barooranaya ayaa sheegay in markii ay caruurtooda waayeen, ayna maqnaashahooda ku wargeliyeen booliiska, iyagoo sheegay in xaaladdu ay isku badashay si aanay markii hore filayn.

Dowladda Kenya, ayaa rumeysan in dhallinyaradan laga tashkiiliyay masaajidda ku yaalla magaalada Mombassa, waxaana lagu eedeeyay imaamyada masaajiddaas inay ku baraarujiyaan dhallinyarada in jihaadka laga qaybqaato.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo ka dagaalanta Soomaaliya, kana talisa inta badan gobollada koonfureed, ayaan la sheegay in dagaalayahannada u dagaalama ay intooda badan ka gudbeen xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya