Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Madaxweyanha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Isniintii shalay ahayd booqasho ku tagay xafiiska waaxda socdaalka, oo markii ugu horreysay laga hirgeliyay qalab cusub oo lagu sameynayo baasaboorrada.
Afartii sano ee lasoo dhaafay, baasaboorrada Soomaaliya waxaa lagu soo sameyn jiray dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo qofka baasaboorka dalbada uu ka manaan jiray muddo bilo ah, balse aanay hadda kaddib dhacayn taas.
Madxweyaha Soomaaliya, oo uu wehlinayo taliyaha qaybta socdaalka Soomaaliya Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud, ayaa booqday qalabka cusub, isagoo la hadlay shaqaalaha iyo saraakiisha waaxda socdaalka.
Shaqaalaha qaybtan cusub, ayaa waxay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif u sameeyeen baasaboor cusub, intii uu ku gudo jiray booshada qalabka iyo qaybaha kala ee waaxda socdaalka.
Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa ku boorriyay shaqaalaha waaxda socdaalka, inay si hufan ugu shaqeeyaan shacabka, ayna ilaaliyaan sharafta baasaboorka Soomaaliya. Wuxuuna saraakiisha iyo shaqaalaha si guud ugu sheegay inay xoogga saaraan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ku heli lahaayeen baasaboorro.
Baasaboorkan cusub ee Soomaaliya, ayaa wuxuu la mid noqonayaa kuwa kale ee caalamka, waana mid casriga ah ee la mid ah kuwa laga sameeyo dalalka caalamka, ee horumaray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya