Urur Goboleedka IGAD oo shir looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya uu uga furmay magaalada Addis Ababa

Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Madaxda dalalka Bariga Afrika, ayaa wuxuu shir uga furmay maanta oo Talaado ah magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay uga hadlayaan ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo xaalka dalka Sudan.

Shirkan oo ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa madaxda ka qaybgalaysa waxay kala yihiin: Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Kenya Mwai Kibaki, Uganda Yoweri Moseveni, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, hoggaamiyaha koonfurta Sudan Salva Kiir iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, waxaana shirkan ka maqan madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo lagu casuumay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo saxaafadda la hadlay intii uusan shirku bilaaban, ayaa sheegay in ajanadayaasha ugu waaweyn ee looga hadlayo ay yihiin xasaradaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka koonfurta Suudaan ka dhacaya horraanta sannadka soo socda.

"IGAD, waxay walaac xooggan ka qabtaan dhameystirid la'aanta ciidanka AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, waxaan sidoo kale ay ka walaacsan tahay sida Qarammada Midoobay ay uga gaabinayso inay gacan ka geysato xal u helidda dalka Soomaaliya," ayuu yiri Desalegn.

Dowladda Burundi, ayaa xaqiijisay inay maalmaha soo socda ku darayso hal guuto oo ciidammo ah, ciidanka AMISOM ee ay qaybta ka tahay, si loo dhameystiro tirada guud ee ciidankaas oo la doonayo in la gaarsiiyo 8,000-askari.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho ay taageero ka helaan Midowga Yurub, balse Qarammada Midoobay ay ka gaabisay inay bixiso taageeradii looga baahnaa.

Guddoomiyaha guddiga nabadgalyada iyo ammaanka ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra, ayaa ka codsaday Qarammada Midoobay, inay ka shaqeyso sidii ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya tiradooda loo gaarsiin lahaa 12,000-askari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya