Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo xalay ka dhacay degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood.
Dagaalkan, oo u dhexeeyay xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo ciidammada dowladda oo kaashanayay kuwa AMISOM, ayaa waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Boondheere oo dhinacyada waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho ku yaalla.
Madaafiic ku dhacday xaafadda Fagax ee degmada Kaaraan ayaa dilay ugu yaraan afar qof, isagoo dhaawacay tiro intaas ka badan, sidoo kale madaafiic ku dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, ayaa waxaa ku dhintay qof, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale.
Sidoo kale, madfac ku dhacay xaafadda SOS ee degmada Huriwaa oo ka mid ah degmooyinka nabadoon ee Muqdisho, ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah, waana markii labaad oo ay madaafiic ku dhacdo degmadaas muddo toddobaad gudihiis ah.
Howlwadeennada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho, ayaa sheegay in dhaawacyo 10-qof gaaraya ay xalay gaarsiiyeen isbitaallada caasimadda qaarkood, iyadoo dagaalka oo ahaa mid xooggan oo ay barbar socdeen duqeymo culus uu si iskiis ah u istaagay isla xalay.
Dhinacyadii uu dagaalku, u dhexeeyay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo kala gaaray, waxaana duqeyntan ay dadka badan ku dhinteen imaanaysaa xilli uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay inu kala hadlay ciidamada AMISOM duqeymaha ay u geystaan caasimadda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya