
Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Ciidammo ka tirsan AMISOM oo watay gaadiidka ay caanka ku yihiin, ayaa maanta rasaas ku furay dad shacab ah, oo ku sugnaa afaafka hore ee guryaha Kalluunka ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana rasaastaas ku dhintay laba qof, halka ay ku dhaawac toddoba kale.
Goobjoogayaal, ayaa sheegay in ciidammada AMISOM ee watay gaadiidka, ay si bareera ah rasaastooda ula beegsadeen dad shacab ah oo ku sugnaa goobo ganacsi iyo kuwo kale oo la socday gaadiidka dadweynaha oo halkaas marayay.
"Ciidammo wata gaadiidka AMISOM, ayaa rasaas si baraar ah ugu furay dad shacab ah, waxaan dhaawacmay sagaal qof, laba qof oo ka mid ah ayaa goobta ku dhintay, intii kalena waxaa loo qaaday isbitaal, waxaase ku jiray macallin si xun ugu dhaawacmay rasaasta," ayay tiri haweenay la hadashay saxaafadda Muqdisho, oo ka mid ahayd dadkii ka badbaaday rasaastaas.
Haweeneydan, ayaa intaas ku dartay, inaysan garanayn waxay ciidanka AMISOM qoonsadeen, balse ay ka warheleen rasaas lagu furay, iyadoo ciidammadii rasaasta furayna ay goobta isaga tageen, waxaana sidoo kale dadka dhaawacmay ka mid ahaa dhowr qof oo gaadiid dadweyne la socday.
"Baabuurkii, aan saarnaa ayaa ka mid ah kuwa lagu furay rasaasta, anigana waxaa i gaaray dhaawac fudud, waxaana markii ay rasaastu istaagtay arkay, laba gaari oo muraayaduhu ay ka daateen, kuwaasoo ka mid ahaa kuwii ay rasaastu haleeshay," ayuu yiri wariye Aadan Macallin C/llaahi (Aadaamo) oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho.
Wariyuhu, wuxuu sheegay inuusan qabin dhaawac halis ah, isagoo xusay inuusan garanayn waxa gaaray dadkii la socday gaadiidka ay rasaastu burburisay. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidanka AMISOM toogtaan dad shacab ah oo marayay inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo isgoyska KM-4, halkaasoo ay ku leeyihiin saldhigyo dhowr ah.
Saraakiisha AMISOM, ayaan ka hadlin rasaasta khasaarada geystay ee ay ciidankooda ku fureen dadka shacabka ah, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay inuu kala hadlay AMISOM inay joojiyaan madaafiicda ay ku garaacayaan Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya