Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Maamulka gobolka sanaag ee Puntland ayaa sheegay in degmada badhan laga samaynayo markii ugu horaysay xabsi loogu tala galay maxaabiista la soo qab qabto.
"Lacagta ku baxaysa dhismaha xabsiga qayb ka mid ah waxaa na soo gaarsiiyay taliyaha ciidamada boliska Puntland " ayuu yiri godoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa kaloo uu sheegay in xabsigana u wax badan ka qaban doono baahi degmada ka jirta oo dhinaca amniga la xiriirta ,waxaana uu ka codsaday jaaliyadaha dibada in arintan ay maamulka Badhan ka taageeraan.
"Maxaabiista halkan laga qabto waxaa loo gudbiyaa magaalada Bosaaso ,taasina mudo badan ayaan dhibaatooyin badan kala kulanay" ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha.
Dhinaca kale magaalada Galkacyo waxaa ka socda dadaalo ay maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ku doonayaan in ay ku xalinayaan xiisad dhex martay dad xoolo dhaqato ah oo labada dhinac ka kala tirsan .
Ugu danbayntii kulamada ay labad dhinac wada qaadanayaan ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan qadobo muhiim ah oo la xiriira xalinta colaada ka jirta meelo ka mid ah gobolka.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya