Midowga Africa oo Shir Lagu Hormarinayo Saxaafadda Africa ku qabtay Addis Ababa


Guddoomiyaha Midowga Afrika Dr Jean Ping iyo Cumar Faaruuq Cismaan oo ah guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika  


Addis Ababa, Itoobiya (HOL) - Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa waxaa ay ku qabteen magaalada Addis Ababa shir looga hadlayo sidii loo hormarin lahaa saxaafadda Africa. Shirkan ayaa waxaa xariga ka jaray Guddoomiyaha Midowga Afrika Dr Jean Ping, waxaana looga hadlay marxaladaha kala duwan ee saxaafadda Africa soo martay iyo meela ah ay u baahan tahay  in laga hormariyo.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Ururada Saxaafadda ee Qaarada Afrika iyo Khuburo ka kala socoto Midowga Reer Yurub iyo Aqoonyaho Afrikaan ah oo ku xeel dheer warbaahinta Africa.

 

Muddada laba cisho ee uu shirkan socday ayaa waxaa looga hadlay sidoo kale sidii saxaafadda Africa loogu hormarin lahaa dhinacyada waxbarashada, anshaxa saxaafadda, nidaam u sameynta howlaha saxaafadda ee qaarada Africa iyo sida uu Midowga Afrika uu ugu fidin lahaa saxaafadda Afrika taageero siyaasadeed oo lagu damaanad qaadayo xoriyadda saxaafadda.

 

Midowga Africa iyo Midowga Yurub ayaa shirkan waxaa iskaashi kala sameeyeen Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika ee FAJ, kaasoo ah ururka ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta Africa.

 

 

Cumar Faaruuq Cismaan oo ah guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika oo ay si wada jir ah u shir guddoominayeen Guddoomiya Midowga Afrika Dr Jean Ping ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad weyn ugu fadhiya bahda saxaafadda Afrika maadaama ay tahay shirkan midkii ugu horeeyay oo uu soo abaabulo midowga Yurub.

 

“Weli ma aysan dhicin midowga Afrika oo ka hadla dhibaatada haysata saxaafadda Afrika. Hogaanka sare ee midowga Afrika waxaa uu go’aansaday in uu wadashaqeyn la yeesho suxufyiinta Africa. Waa talaabo aan soo dhaweyneyno, waxaana loo baahan yahay in difaacitaanka saxaafadda uu dowr weyn ka qaato” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan.

 

 

Ergo heer sare ah oo ka socotay Midowga reer Yurub ayaa sidoo kale waxaa ay kulanka ka sheegeen in ay midowga Afrika ka taageerayaan sidii loo loo hormarin lahaa saxaafadda Afrika iyo nidaamka aas aasiga ah ee ay saxaafadda ku shaqeyso.

 

Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii saxaafadda Afrika ugu qeyb qaadan laheyd shir madaxeedka Afrika iyo Yurub ee ka dhici doona magaalada Tripoli ee Libya dhamaadka sanadkan.

 

Kulankan ayaa ugu dambeyntii waxaa maanta kasoo baxay go’aanno lagu hormarinyo saxaafadda Afrika sida deeq lacageed oo dhan 50 milyan oo dollarka mareykanka oo saxaafadda Africa logu hormarinaya muddo 5-ta sano ee socota. Lacagtan badankeed oo uu ku deeqay midowga Yurub ayaa waxaa in badan ku biiriyay midowga Africa oo doonaya in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay saxaafadda Afrika.