Khamiis, Mar, 25, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo deegaannada Matabaan, Beer-gadiid, iyo Coomaad oo ka wada tirsan Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in dadka halkaa ku dhaqan ay soo food saartay biyo la'aan darran kadib markii uu jabay Ceel-kii deegaannka Coomaad oo ahaa Ceelka kaliya ee dadka ku dhaqan deegaannadaasi Cabi jirreen.
Qaar ka mid ah Odayaasha deegaannada Biya la'aantu soo foodsaartay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qatar badan ku jirto xaalada Qoysaska ku dhaqan Degmooyinka Matabaan, Beer-gadiid, iyo Coomaad, iyaga oo intaa raaciyay in haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo gaarin dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada Biyo la'aantu soo food saartay laga yaabo in ay xaaladu ka sii adkaato halka ay hadda taagan tahay.
Nabadoon Max'uud oo ka mid ah Odayaasha deegaannka Beer-gadiid ayaa u sheegay Warbaahinta in Qoysaska qaarkood hadda bilaabeen in ay guur guuraan inkastoo haddana aysan jirin meel gaar ah oo ay og-yihiin in ay biyo ka heli karaan, waxaana uu intaa ku darray in dadka ugu darani yihiin Caruurta oo aan u adkeysan karin Biyo la'aanta taagan.
Nabadoonku waxaa uu sheegay in meelaha qaar dad iskood isku xilqaamay ay hadda gaarsiiyeen Biyo Booyado lagu soo dhamiyay, kuwaa oo sida uu sheegay aan ku filneyn deegaannada balaaran ee Biyo la'aantu saameysay.
Waxaa uu ka codsaday Hay'addaha Samafalka iyo Jaaliyaddaha dibada in sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad loogu sameeyo dadka dhibaatu soo food saartay gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Ceelka Coomaad oo sida uu sheegay ah kan kaliya oo ay ku tiirsaan yihiin dadka deegaannada hadda Biyo la'aantu saameysay.
C/raxamaan Diini. Hiiraan Online
[email protected]