Khamiis, March 25, 2010(HOL): Dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan Gobolka J/hoose ayaa bilaabay diyaargarow ballaran oo ay ugu jiraan tabcashada dalagyada kala duwan iyada oo uu fooda inagu soo hayo xilliga gu'ga oo aalaaba beeraleyda soomaaliyeed ay kaga faa'iideystaan beerashada dalagyada kala duwan.
Qaar kamid ah beeraleyda gobolka j/hoose oo aan shalay kula kulmay suuqa weyn ee loo yaqaan suuqyaraha ee ku yaal magaalada kismayo xilli ay ka iibsanayeen abuur ay ugu talo galeen in ay beertaan ayay ii sheegeen in xiligan ay ku jiraan diyaargarow ku aadan xiliga gu'ga, beeraleydaasi oo aan ka wareystay dalagyada ay beerayaan noocyada ay kala yihiin ayay ii sheegeen in ay doonayaan in ay beeraan dalagyada ay kamidka yihiin Galleyda, Sisinta, Muuska, Digirta, Yaanyada iyo Liinta.
Gobolka j/hoose waxa uu kamid yahay gobollada ugu qeyraadka badan ee dalka soomaaliya islamarkaasina caanka ku ah dhanka waxsoosaarka beeraha, waxaana beeraleyda soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa ku dhaqan gobollada jubooyinka ay hore cabasho ballaaran uga muujin jireen qaabka ay Hay'ada WFP cuntada u qeybiso, iyagoona ku eedeyn jiray in Hay'adaasi ay raashiin qeybinta kusoo aadin jirtay xilliga ay gurtaan dalagyadii ay beerteen, waxaana ay beeraleyda ku dhaqan gobolka j/hoose ay ii sheegeen in sanadkan uu noqon doono sanadka ugu wax soo saarka badan dhankooda madama bay yiraahdeen ay meesha ka baxday raashiinkii ay bixin jirtay hay'ada WFP kadib markii ay Xarakada Alshabaab ka mamnuucday in ay ka shaqeysto gobollada ay gacanta ku hayso.
Sikastaba ha ahaatee diyaargarowga ay sameynayaan beeraleyda ku dhaqan gobolka j/hoose ayaa ku soo beegmaya xilli roobab hordhac u ah kuwa gu'ga ay ka da'een qeybo badan oo katirsan gobolka j/hoose, kuwaa oo sababay in uu fatahaad sameeyo webiga jubba, kaa oo ku fatahay deegaano katirsan gobolka j/hoose, waxa ay arintaasi cabsi ku abuurtay qaar katirsan beeraleyda oo ka baqaya in webiga jubba uu markale fatahaad sameeyo madama la filanayo roobab xoogan in ay da'aan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya