Khamiis, Mar 25, 2010 (HOL) - Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hadlay markii ugu horreysay qabriyo burburinta ay Magaalada Muqdisho ka waddo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyagoo ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo heshiiskii ay wadagaleen DFKMG ah iyo Ahusunna.
Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo gudoomiye kasoo noqday ururkan ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid ay Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam kaga hortagayaan heshiiskii dhawaan ay Dowladda iyo Ahlusunna ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
"In Qabriyada ay ku Aasan yihiin culummadii Soomaaliyeed waa mid looga hortagayo heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Dowladda iyo Ahlusunna" ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax isagoo intaas ku daray: "Ujeedadu waa in dalku uusan ka bixin dhibka uu ku jiro".
Guddoomiyihii hore ee Ahlusunna wuxuu sheegay in culummada lafahooda laga soo saaray qabriyada la doonayo in dibaddaha dalka loo iibgeeyo, isagoo ku tilmaamay falalkan inay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu ciribtiro Taariikhda Soomaaliya.
Maanta ayaa waxaa sidoo kale ka socda Maalintii saddexaad burburinta qabriyo ay ku jiraan dad culummo ah oo si weyn loo yaqaan, waxaana saakay la burburiyay qabrigii Macallin Biimaaloow oo ku yaalla agagaarka Saldhigga Howlwadaag.
Xarrakatul Shabaab ayaa ku sheegay burburinta Qabriyada inay yihiin kuwo ay kaga hortagayaan in la caabudo, iyagoo sheegay in lafaha ay ka bixiyeen ay dib dambe ugu aasi doonaan goobo kale oo aanay sheegin.
Qabriyada la burburiyay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafa ayaa waxaa ku kala aasnaa Sheekh Muxyadiin Celi, Sheekh Aadan Dheere, Sheekh Axmed Xaaji, Sheekh Cali Muumin iyo Macallin Biimaalow, kuwaasoo dhammaantood ahaa kuwo ay cilmiga ka barteen dad badan oo Soomaali ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya