Khamiis, Mar, 25, 2010 (HOL) Maamulka Gobolka iyo kan degmada Boosaaso ayaa maanta si wadajir ah u iclaamiyay in Magaalada Boosaaso laga bilaabayo howlo waddo furis ah oo laga samaynayo qaybaha Magaalada ay Ka kooban tahay.
Waxaa Shirkan oo lagu qabtay guriga Gobolka ka soo qayb galay Godoomiyaha Gobolka bari Sheekh C/xaafid Cali yuusuf duqa degmada Bosaaso Maxamud Beeldaaje Faarax iyo Masuuliyiin dhanka wadooyinka Qaabilsan.
Godoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/Xaafid Cali Yuusuf ayaa ka hor sheegay shirkaasi in si loo wada dhan yahay loo bananayn doono dhamaan goobaha faras magaalaha u ah Boosaaso ,waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah looga wada qayb qaato howshaasi
Waxaan ugu baaqaynaa Dadwaynaha Boosaaso in ay Maalmo kooban gudahood ay ugu diyaar garoobaan Waddo furistan "ayuu yiri Guddoomiyaha oo la hadlayay warbaahinta.
Sidoo kale duga degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono Ciddii ka soo horjeesata awaamirta Maamulka Gobolka iyo kan degmada ,Waxaana uu intaa ku daray in la diyaar garoobo.
Waxaa kaloo Masuuliyiintii Shirka qabatay ay isku raacaan in ay Muhiim tahay Wada Furistan ,Maadaama Magaalada ay baryahan danbe noqotay Mid la hormari wayday wadooyinka oo ciriir ah awgeed.
Ugu danbaynta Maamulka Gobolka iyo kan Degmada ayaa soo bandhigay qorshahooda ku aadan talaabadan ,Waxaana ay tilmaameen in arintan badankeed ay kala kaashan doonaan Culumaa,udiinka.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya