Khamiis, Mar 25, 2010 (HOL) - Dalka Sucuudi Carabiya ayaa gacanta ku dhigay ruux Soomaali ah oo ka mid ahaa 113-qof oo la sheegay inay ahaayeen shabakad isku xiran oo xiriir la leh Urur weynaha Al-Qaacida.
Xukuumadda Riyadh ayaa ku sheegtay dadkan inay wadeen qorshayaal ay amaanka dalkaas wax ugu dhimayaan, waxaana ay wadeen qorshayaal ay qaraxyo iyo dilal uga geysanayaan dalkaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada gaarka u tababaran ee dalkeeda, kaddib markii ay heleen xogo muhim ah oo ku aaddan dadkan isku xirnaashahooda.
Dadkan ayaa waxay isugu jireen 47-qof oo Sucuudiyaan ah, 51-qof oo Yemeniyiin ah, Qof Somaali ah, Qof Bangaladeshu dhashay iyo Qof Eritrean ah, iyadoo sidoo kale la qabtay 12-qof oo la shaqeynayay kooxdan isku xiran.
Kooxdan la qabtay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Qaacidada Bariga dhexe oo xaruntoodu tahay dalka Yemen, iyadoo Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalkaas ay sheegtay inay qorsheynayeen inay dilaan xubno sare oo ka tirsan Boqortooyada dalkaas iyo saraakiisha ciidamada Ammaanka.
Deegaannada inta badan dadkaan laga soo qabqbatay ayaa waxay ahaayeen bilihii ugu dambeeyay goobo ay ka dhacaan iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxahan, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Waa markii labaad oo dalka Sucuudiga lagu qabto shabakado sidan isugu xiran oo la sheegay inay qaraxyo ka fulin lahaayeen dalkaas, waxaana Sannadkii 2006 la qabtay koox doonaysa inay qarxiyaan Shirkadda ugu weyn ee Shidaalka Sucuudiga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya