Dhul-gariir xalay gilgilay Magaalooyinka Borama iyo Gabiley ee Somaliland

Khamiis, 25 March 2010 (HOL)- Dhul-gariir xooggan, ayaa xalay ku dhuftay magaalooyinka Boorama iyo Gabiley ee Somaliland.

Dhul-gariirkaas oo ahaa mid culus, waxa uu argagax ku riday dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka Boorama iyo Gabiley. Warku ma sheegin tirada halbeegag Dhulgariirada lagu qiyaaso ee Dhulgariirkaa Boorama, lamana sheegin wax khasaare ah oo uu sababay.

Sida warku sheegay, dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaass, ayaa dibadda uga soo baxay guryahooda, ka dib markii ay ka cabsadeen inay ku dumaan sida Dhulgariirku u ruxay darteed.

Waxa la sheegay inuu si gaar ah saamayn ugu yeeshay ardayda Jaamacadda gaarka ah ee EELO American, kuwaasoo ka cararay dhismaha Jaamacaddaas oo ku taala badhtamaha magaalada magaalada Boorama.

Dhulgariirkaas waxa lagu tilmaamay inuu ahaa kii noociisa ah ee tobankii sannadood ee u dambeeyay ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee Galbeedka Somalilans, taasoo mararka qaarkood Dhulgariiro ka dhacaan.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.