Khamiis, 25 March 2010 (HOL)- Lix Carruur ahayaa la sheegay in dhawr iyo afartankii saacadood ee u dambeeyay ay cudurka Shuban-biyoodka ugu dhinteen degmada Sallaxley oo 63 KM Koonfur ka xigta magaalada Hargeysa, halka ay u jiifaan in ka badan 70 qof oo kale oo laga dawaynayo.
Guddoomiyaha degmada Sallaxley Cabdirashiid Macalin Muuse oo warbaahinta la soo xidhiidhay, waxa uu sheegay in aanay ilaa hadda aqoonsan sida uu xanuunkani ku dhashay.
Guddoomiyuhu waxa uu baaq u jeediyay hay’addaha Caalamiga ah oo uu ka codsaday inay gargaar gaadhsiiyaan dadka cudurka Shuban-biyoodku soo riday ee ku dhaqan degaankaas.
Mr. Cabdirashiid Macalin Muuse, waxa uu sheegay in Cusbatalka gaarka ah ee MANHAL gaadhsiiyay daawooyin, si wax loogaga qabto xanuunkaa Shuban-biyoodka ee ka dilaacay degmadaas oo ka tirsan gobolka Hargeysa.
Laba todobaad ka hor, waxa degaamo ka tirsan gobolka Awdal laga soo sheegay in Shuban-biyoodku ka dilaacay, kaasoo gurmad wax lagaga qabanayo oo Xukuumadda iyo hay’adduhu iska kaashadeen ka hawlgaleen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.