Khamiis, 25 March 2010 (HOL)- Maxkamadda gobolka Saaxil, ayaa shalay xukun dheer ku riday koox ka tirsan Budhcad-badeeda Soomaalida.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Cusman Ibraahim Daahir, waxa uu sheegay inay kooxdan oo 8-nin ka kooban ku heleen Budhcad-badeednimo, kana tirsan yihiin kooxaha Budhcadbadeeda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dhamaadkii bishii January doon ay wateen kula soo caariday xeebta gobolka Sanaag, ka dibna ay gacanta ku dhigeen ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kooxdaa xukunkooda loo cuskaday qodobo ka mid ah xeerka Ciqaabta guud. “Maxkamaddu waxay midkiiba ku xukuntay min 15 sannadood oo xadhig ah,” ayuu yidhi Cisman Ibraahim Daahir.
Kooxdan Budhcad-badeeda ah ee la xukumay, waxa isla shalay loo gudbiyay xabsiga magaalo-xeebeeda Berbera, waxaana Maxkamadda goobjoog ka ahaa laba qareen oo difaacayay iyo xubno eheladooda ka mid ah. Hase yeeshee, qareenada difaacayay waxay sheegeen in aanay ku qanacsanayn xukunkaa Maxkamaddu riday, isla markaana ay racfaan ka qaadanayaan.
Maxkamadda gobolka Saaxil, waxay dhawr jeer oo hore xukuno muddo dheer ah ku riday kooxo lala xidhiidhiyay inay ka tirsan yihiin Budhcad-badeeda Soomaalida ee ka hawlgala xeebaha maamul-gobolleedka Puntland.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.