Khamiis, Mar 25, 2010 (HOL) - Hay'adda xuquuqda Aadanaha ee Amensty International oo warbixin kasoo saartay xaaladda dalka Soomaaliya ayaa ku xustay in dadka rayidka ah loo geystay tacdiyo isugu jira dil, dhaawac iyo dhibaateyn kale.
Warbixinta oo looga dhigay ciwaan (Weli Fari Kama Qodna) ayaa waxaa lagu sheegay in dagaallada u dhexeeya Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda oo bilowday bishii May 2009 ay ku dhinteen dad gaaraya 250-kun oo qof, kuwaasoo rayid ahaa.
Dowladda Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha dowladda ka horjeeda ayaa lagu eedeeyay inay si isku mid ah ugu adeegsadaan goobaha ay shacabku daggan yihiin hubka culus iyo midka fudud.
Amensty ayaa ku sheegtay warbixinteeda in dad ka badan 60-kun oo qof ayaa dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho markii ay ciidamadii Itoobiya isaga baxeen dalka 2009, balse waxay dib uga qaxeen markii ay dagaallo u dhexeeya Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ay ka bilowdeen Muqdisho bishii May ee sannadkii hore.
Dad ka badan 250-ku oo qof ayaa lagu sheegay wabixinta inay dagaallada u dhexeeya Dowladda oo kaashanaysa AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda ee ka socda Muqdisho iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen kumanaan kun oo qof.
Talooyinka ay warbixintu u jeedisay dhinacyada dagaalamaya ayay ku bilowday Dowladda Soomaaliya iyadoo laga dalbaday inay joojiso hubka ay ku garaacayso goobaha ay dadku ku badan yihiin markii iyada la weeraro.
Sidoo kale dowladda ayaa loogu baaqay inay ciidamadeeda barto sidii ay ula dhaqmi lahaayeen dadka xilliyada ay dagaallada ku jiraan iyo xilliyada kale ee ay caadiga tahay xalaadda.
Ciidamada AMISOM oo gacan siiya Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay hub culus oo casri ah u adeegsadaan goobaha ay shacabku ku nool yihiin markii ay dagaallada kula jiraan kooxaha dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo waxyeello xooggan ay ka gaarto dadka rayidka ah.
Amnesty waxay ku boorinaysaa AMISOM inay dhowrto xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha markii ay dagaallada ku jiraan, sidoo kelana la helo cid laguna xisaabtamo dhibaatooyinka ay geystaan ciidamadaas.
Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jira ayaa lagula taliyay iyagana inay ka waantoobaan inay weerarradooda ka qaadaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin, ayna ciidamadooda ka saaraan goobaha ay dadku daggan yihiin.
Sidoo kale waxaa loogu baaqay inay si deg-deg ah u joojiyaan handadaadda ay ku hayaan dadka rayidka ah, shaqaalaha hay'adaha gargaarka iyo ururrada xuquuqda Aadanaha si loola socdo xaaladda dalka oo marba marka ka dambeysan isbadalaysa.
Ugu dambeyn Beesha Calaamka ayay ha'yaddu ka dalbaday inay si xooggan u cambaareeyaan falalka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalka Soomaaliya, lalana xisaabtamo cid walba oo lug ku yeelata.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya