Madaxweynaha Soomaaliya ee Safar Shaqo ugu amba baxay Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Talaado, 12 January 2010(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta safar shaqo ugu kicitimay magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo uu casuumad ka helay.

 

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cali Jaamac Jengeli, Wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamud Gelle, Wasiirka Beeraha Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Madaxa Xafiiska Madaxtooyada Abdulkareem Hassan Jaamac, iyada oo uu wafdiga magaalada Nairobi uga biiri doono Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Sharif Xasan Sheekh Aden.

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxa isaga iyo dhiggiisa Kenya ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira xiriirka labada dal iyo ammaanka gobolka.

 

Inta uu Madaxweyne Sheekh Sharif ku sugun yahay dalka Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madax reer Yurub ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Franco Fratini iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, haatanna ah Safiirka Dowladda Soomaaliya u qaabilsan Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo horay u sii joogay Magaalada Nairobi. 

 

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada

Email: [email protected]