Talaado, January 12, 2010(HOL): Xaaladda Magaalada
Baladweyne ayaa weli kacsan, waxaan ka socda dagaalladii saakay bilowday,
iyadoo dagaalkii maanta uu aad uga xooganaa kuwii dhacay labadii maalmood ee
lasoo dhaafay, dhinacyaduna ay is-riix-riixayaan.
Dagaalkii maanta dhacay oo ahaa mid ay barbar socdeen
hoobiyeyaal fara badan ayaa wuxuu sababay dhimashada inta la ogyahay 7-qof oo
rayid iyo dhinacyadii dagaalamay isugu jira, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas
ka badan oo la dhigay Isbitaalka Baladweyne.
Iskahorimaadka oo saakay ka bilowday dhanka galbeed ee
Baladweyne ayaa barqo-nimadii kusoo laabtay bartamaha Magaalada, halkaasoo
labada dhinac ay haatan ku dagaalamayaan, inkastoo dagaalku uu mararka qaarkood
hakanayo.
Wariyaha HOL uga soo warrama Magaalada Baladweyne C/raxmaan
Diini oo la xiriiray sarkaalka hoggaaminaya ciidamada Ahlusunna iyo kuwa DFKMG
ah ee dhinaca kasoo wadajeeda ayaa sheegay in dib ay uga soo baxeen galbeedka
Baladweyne.
Sarkaalkan ciidanka hoggaaminaya ayaa sheegay in dagaalku uu
xoogan yahay ayna kusoo biireen ciidamo ka amarqaata Xarrakatul Shabaab oo aan
labadii maalmood ee hore dagaalka aan si buuxda ugu jirin.
Guddoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Sheekh
Shuuriye Faarax Sabriye oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalku
uu ahaa mid xoogan ayna ciidamada dowladu tageen xaafadaha galbeedka Baladweyne
ku yaalla, balse ay dib u soo riixeen.
Maydadka dadkii dagaalka ku dhintay ayaa weli qaarkood waxay yaalaan goobihii lagu dagaalamay, iyadoo madaafiic xoogan lagu garaacay magaalada, taasoo keentay in dadka intiisa badan ay banaanka magaalada barakac ahaan u tagaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya