Talaado, January 12, 2010(HOL): Wararka dheeraad ah ayaa
kasoo baxaya dagaal xooggan oo saakay ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Gobolka
Galguduud ciidamo kala taabacsan Ahlusunna Wal-jamaaca iyo Xarrakatul Shabaabul
Mujaahidiin, kuwaasoo socday 3-saacadood.
Dagaalkan oo ahaa mid xooggan oo dhinacyadu ay isku
adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxay wararka hordhaca ah ee la
helayo sheegayaan in dagaalkaas maanta dhacay ay ku dhinteen 15-qof oo u badan
dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay.
Sidoo kale dhaawacyada dagaalka oo kor u dhaafayay 22-qof
ayaa la geeyay Isbitaallo ku kala yaalla Ceelbuur iyo Guriceel, halkaasoo ay
saldhigyo waaweyn ku leeyihiin dhinacyada dagaalku u dhexeeyo.
Madaxa wafaafinta ee Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan
Al-Qaadi oo shir jaraa'id qabtay markii uu soo gabgaboobay dagaalka ayaa
saxafiyiinta u sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen, ayna la wareegeen
deegaannadii lagu diriray saakay.
"Deegaannada Wabxo iyo War-xoolo innaga ayaa gacanta ku
hayna, waxaana ku dilnay dagaalka tiro badan oo ciidamadii dagaalka nagula
jiray ka mid ah, kuwaasoo weli ay maydadkooda yaallaan halkii lagu
dagaalamay" ayuu yiri Sheekh Al-Qaadi.
Ma jirto dhinaca kale saraakiil u hadlay oo ka warbixiyay
dagaalka, iyadoo dadka ku nool deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay
ay sheegeen jugta hubka la isweydaarsanayay ay ka maqlayeen deegaannadooda,
sida degmada Ceelbuur.
Afhayeenka Ahlusunna ayaa dhanka kale sheegay in dagaalka ka socda Gobolka Hiiraan ay iyagu lug ku leeyihiin, ayna wadayaan inta ay ka saarayaan Gobolkaas kooxaha gacanta ku haya oo uu sheegay inay yihiin kuwo dadka dhibaatooyin ku haya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya