Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar sheegayay inay keensatay shirkado loogu talogalay inay qaraxyo ka fuliyaan Magaalada Muqdisho

Talaado, January 12, 2010(HOL): Wasiir-u-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macallin Max'ud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay wararkii kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ee ahaa in dowldda Soomaaliya ay keensatay shirkado ka fuliya Muqdisho Qaraxyo.

 

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Dheere oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay keensatay shirkado Mareykan ah, si ay qaraxyo uga fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

 

"Madaxtooyada Somalia lagama soo abaabulin waligeed wax lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, wararkaasna waa been, dowladduna ajnabi uma soo kireysan inay dadkeeda wax ku yeeleyso" ayuu yiri wasiir-u-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Wasiir-u-dowluhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax shirkad ah oo ay soo kireysteen si ay qaraxyo u filyaan, isagoo dhinac isaga riixay in dowladda lagu yaqaano inay qaraxyo sameyso, balse kooxda eedeysay lagu yaqaan inay arrimahaas fuliyaan.

 

"Kooxaha dowladda kasoo horjeeda ayaa lagu yaqaanaa inay fuliyaan qaraxyo ay dadka ku dhibaateynayaan, iyaga ayaana soo kireystay ajnabi ay Soomaaliada ku argagaxgeliyaan" ayuu yiri wasiir-u-dowlaha Dowladda Soomaaliya.

 

Mas'uulkan ayaa u fasaxay wariyeyaashu inay socod kusoo maraan Madaxtooyada si ay indhahooda ugu arkaan haddii ay jirto shirkad ajnabi ah oo dagan, wuxuuna ku tilmaamay hadalladaas kuwo laga xishoodo oo been ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wafaafinta Soomaaliya Daahir Max'ud Geelle ayaa isaguna ku sheegay hadallada kasoo baxay Xarrakatul Shabaab kuwo aan sax ahayn, oo lagu doonayo in laga isaga horkeeno shacabka iyo dowladda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya