Talaado, January 12, 2010(HOL): Labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacantay qarax xalay ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ,waxaana lagu soo tuuray goob ay ku sugnaayen ciidamada amaanka Boosaaso oo ku dhow Shirkadda Xawaalada Dahabshiil ee magalada Boosaaso.
Dhaawacyada gaaray labada ruux ayaa ahaa kuwa fudud,waxaana loola cararay isbitalka weyn ee magaalada si xaaladood caafimaad loo dabiibo.
Maamulka gobolka bari oo maanta shir ka yeeshay ammaanka ayaa sheegay in lagu raad joogo dadkii ka danbeeyay qaraxii xalay ka dhacay magaalada oo ah bam gacmeed.
Taliye ku xigeenka ciidanka Boliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa isna saxaafadda u sheegay in qaraxaasi laga soo qorsheeyay isla gudaha Boosaaso,isla markaana ay wadaan baaritaano xooggan
Magaalada Bosaaso ayaa seddexdii bilood ee ugu dambaysay saaxiib la noqotay qaraxyo khasaare gaystay ,kuwaasi oo intooda badan lala eegtay goobaha muhiimka ah ee Maamulka Gobolka Bari.
Feysal Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online
Boosaaso,Soomaaliya