Dagaal maalintii seddexaad galay oo ka socda Magaalada Beledweyne (15 ruux oo dagaalkii maanta ku dhimatay)

Talaado, January 12, 2010(HOL): 15 ruux ayaa geeriyootay, in ka badan 20 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen dagaal maalintii seddexaad ka socda magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan.

 

Dagaalka maanta oo ka xooggan midkii socday labadii maalmood ee aanu ka soo gudubnay ayaa waxay dhinacyada dagaallamaya isugu adeegsadeen hub culus oo ay ku jiraan hoobiyaal, iyadoo dadka dhintay ay guryhooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah.

 

Dhinacyada dagaallamaya oo kala ah Xoogag taabacsan Xisbul Islaam iyo Xoogag kale oo taabacsan Ahlu Sunna ayaan ilaa iyo haatan wax natiijo ah oo muuqda ka gaarin dagaalka maalintii seddexaad galay, waxayna labada dhinac xoogaggooda isku horfadhiyaan buundooyinka Liiq-liiqato iyo Buundo-weyn.

 

Sida uu ku soo warramayo Wariyaheena Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini, Dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa qaarkood waxay isaga barakaceen guryahooda, iyadoo kuwo kale oo guryahooda baaqi ku sii ahna ay ka wel welsan yihiin in ay waxyeello ka soo gaarto dagaalka.

 

Sidoo kalena, dagaalkan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka, ganacsiga iyo gaadiidka, waxaana gebi ahaan albaabada loo laabay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee magaalada, iyadoo dadka ay guryahooda iska joogaan, marka laga reebo kuwo horay u barakacay.

 

WIxii ku soo kordha dagaalka ka socda magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]