Dagaal u dhexeeya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culummada Ahlusunna oo saaka ka qarxay Gobolka Galguduud

Talaado, January 12, 2010(HOL): Dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culummada Ahlusunna ayaa saakay ka bilowday tuulada War-xoolo oo ka tirsan degmada Ceelbuur kuna dhow deegaanka Wabxo, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hub fudud iyo mid culus.

Dagaalka saakay qarxay ayaa daba socda dagaalo shalay ka dhacay halkaas, kaasoo sababay sida ay sheegayaan wararka madaxa-banaan ee la helayo dhimashada ugu yaraan 6-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Madaxa wafaafinta Ahlusunna ahna afhayeenka kooxdaas oo la hadlay saxaafadda markii uu dagaalku saakay bilowday ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday uuna dagaalku socdo, isagoo ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha uu dhaliyay.

"Dagaalku wuxuu ku bilowday si xoogan welina uu socdaan, waxaana doonaynaa inaan dagaalka sii wadno tan iyo inta aan ka gaarayno degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud oo ay maamulaan kooxaha naga soo horjeeda" ayuu yiri Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf Al-Qaadi.

Mas'uuliyiin u hadlay Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in dagaalku ay u bilaabeen markii shalay lasoo weeraray ayna iska caabiyeen oo ay ka qabsadeen dhulkoo lagu dagaalamay, haatanna ay kusii socdaan deegaanno kale.

Dhinac walba wuxuu sheegay inay dhinaca kale ka dileen ciidamo badan, iyadoo maamulka Ahlusunna ay sheegeen inay dagaalka ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab, waxaase taas beeniyay saraakiisha dhinaca kale u hadlay.

Wxiii warar ah ee kasoo kordha dagaalka ka socda Gobolka Galguduud waxaan idin kugu soo gudin doonnaa wararkeenna dambe Insha Allaah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya