Dab sababay dhaawacyada 23-qof oo rayid ah oo maanta ka ka kacay kaam ay ku noolaayeen dad barokacayaal ah

Talaado, January 12, 2010(HOL): Ugu yaraan 23-qof oo barakacayaal ah ayaa ku dhaawacmay dab maanta si lama filaan ah uga kacay kaam ay ku sugan yihiin dad barakayaal ah, iyadoo ay gubteen dhammaan guryihii ay ku noolaayeen oo ka sameysnaa cooshado iyo baco.

 

Kaamka uu dabku ka kacay oo ku yaala degmada Wadajir ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah 19-haween ah iyo 4-caruur ah, iyadoo aanay jirin wax dhimasho ah oo dagaalkaas ka dhashay.

 

"Dabku wuxuu bilowday saakay 8:00-aroornimo waxaana ku dhaawacmay 19-qof oo haweenkii guryaha joogay ahaa iyo afar cunug, waxaana loo qaaday Isbitaalka Madiina, waxayna intooda badan ka gubteen wajiga iyo gacmaha" ayay tiri Xaawo Isaaq oo ka mid ah barakacayaasha kaamkaas ku noolaa.

 

Boqolaal qof oo gurmad ah ayaa ku guulaystay inay dabka dambiyaan 3-saacadood kaddib markii uu bilowday, iyadoo gabi ahaan guryihii ay barakacayaasha ku noolaayeen iyo weliba agabyadoodii ay ku baaba'een dabka.

 

Dadkii ay agabku ka gubteen ee horay uga soo barakacay Muqdisho ayaa waxay sheegeen inaysan u harin xitaa galaas ay biyo ku cabaan, mana jiraan gargaaro la gaarsiiyay, iyadoo dabkan uu noqonaya kii ugu xumaa ee waxyeello noocan oo kale ah geysta tan iyo markii uu dhashay sannadkan cusub.

 

Dhanka kale, dab kale ayaa ugu yaraan 50-guri ku gubay deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose, kaasoo kacay duhunimadii maanta, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo uu u geystay dadkii ku noolaa guryahaas.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya