Afhayeenka Ahlusunna oo maanta sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu kasoo baxay Xisbul Islaam uuna kusoo biiray Ahlusunna Wal-Jamaaca

Talaado, January 12, 2010(HOL): Afhayeenka culummada Ahlusunna Wal-jamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaadi) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Gobolka Galguduud ayaa sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu kusoo biiray ururkooda.

 

"Sheekh Axmed Madoobe wuu ku qanci waayay kooxdii uu ka tirsanaa ee Xisbul Islaam, wuxuuna ka doortay inuu kusoo biiro dhankeena, isagoo diyaar u ah inuu sii wado dagaalada uu kaga horjeedo Xarrakatul Shabaab" ayuu yiri Abuu-Yuusuf.

 

Afhayeenka Ahlusunna ayaa sidoo kale sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu ku sugan yahay qaybo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose uuna isku diyaariyay inuu dagaal adag la galo kooxda halkaas ka qabsatay sannadkii hore si uu uga qabsado.

 

"Kooxda Xisbul Islaam waxay noqotay mid u adeegta Al-shabaab, sidaa daraadeed wuu ku adkeysan waayay damiir ahaan Sheekh Axmed Madoobe inuu kasii mid ahaado, waana sababaha ugu waaweyn ee keenay inay dhankooda kusoo biiraan" ayuu mar kale yiri Afhayeenka Ahlusunna.

 

Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa saraakiishii Xisbul Islaam ee dagaalka kula galay Xarrakatul Shabaab Gobolka Jubbada hoose, kaddib markii labada dhinac ay isku maandhaafeen maamulka Magaalada Kismaayo.

 

Ma jiraan weli warar kasoo baxay Sheekh Axmed Madoobe oo sheegaya inuu ku biiray Culummada Ahlusunna uuna ka baxay Xisbul Islaam, waxaana uu ku sugnaa markii ugu dambeysay gudaha dalka Kenya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya