Talaado, January 12, 2010(HOL): Dalalka Soomaaliya iyo Sudan ayaa shalay oo Isniin ahayd kala saxiixday heshiis lagu sameynayo lacag cusub oo Shilling Somali ah, iyadoo heshiiskaas uu dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, halka Sudan uu u saxiixay maareeyaha guud ee xafiiska daabacaada lacagta Max'ed Al-Xasan Al-Bahi.
Heshiiskan ayaa soo socday muddo dheer, waxaana lagu soo sameynayaan lacag cusub oo Somali ah, iyadoo qarashka lagu daabacayo ee labada dal ah ku heshiiyeen uu gaarayo 17-Milyan oo Dollar.
Saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyada iyo lacagta dalka Sudan Cawad Al-Jaz, Guddoomiyaha Bankiga dhexe Sabir Max'ed Al-Xasan iyo wasiirro iyo xubno kale oo ka socda dalka Soomaaliya.
"Lacagta la sameynayo waxay isugu jirtaa Bir iyo Warqado, waxayna sameynteedu qaadanaysaa muddo sanado ah" ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Mahdi Abuukar Max'ud oo saxaafadda la hadlay markii uu heshiisku dhacay.
Mas'uuliyiinta dalka Sudan ayaa sheegay in qorshaha ay Soomaaliya lacagta ugu sameynayaan ay tahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dib u soo celinta dhaqaalihii dalkaas oo lunsanaa tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore 1991.
Waddamada Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxaa u dhexeeyay xiriir wanaagsan oo iskaashi, iyadoo ay ka mid ahayd dalalkii sheegay inay gacan siinayso xukuumadda uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya