Siminnaar ku saabsan doorka ay haweenku uga qaybqaadan karaan soo celinta nabadda oo Muqdisho ka furmay (SAWIRRO)


Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Siminnaar ay soo qabanqaabisay haya'd lagu magacaabo CCD, ayaa maanta ka furmay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, siminnaarkaas ayaa waxay 100-haween ah oo ka qaybgalaya waxay uga doodayaan sidii looga hortegi lahaa colaadda ka jirta Soomaaliyo iyo sidii loo joojin lahaa.

Furitaanka siminaarka, ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay haweenka xildhibaannada ah ee ku jira baarlamaanka, haween ka socday bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururka haween-weynaha Soomaaliyeed iyo maamulka hay’adda soo qaban-qaabisay siminaarka.

Marwo Sahro Maxamuud Amiin, oo ah guddoomiyaha haweenka hayadda CCD, oo furitaankii siminaarka hadal ka jeedisay, ayaa ka qayb-galayaasha uga warbixisay kaalinta y haweenku kaga jiraan sidii colaadaha dalka ka taagan lagu damin lahaa, ayna caruuurtooda iyo ragga qaba uga dhaadhicin lahaayeen in colaaduhu joogsadaan. Iyadoo u mahad-celisay guddoomiyaha CCD Ciise Axmed Cumar iyo dhammaan xubnaha hay’ada oo ay sheegtay inay had iyo goor garab taagan yihiin sidii ay bulshada Soomaaliyeed, uga bixi lahaayeen dhibaatada raagtay.


Guddoomiyaha haweenka gobolka banaadir Ruqiyo Cali Cabdulle, oo iyaduna hadal ka jeediyay xafladda, ayaa sheegtay in haweenka halkaasi isugu yimid ay ficil u badalaan, aqoonta iyo waaya aragnimada ay ka kororsadaan siminaarka, ayna min degmo illaa tuulo ay gaarsiiyaan qaabka looga hortegi karo colaadaha.

Canab Xasan Cilmi, oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa iyaduna ka sheegtay xafladda in haweenku ay yihiin awood isbadal ka dhalin kara dalka, isla markaana udub dhexaad u noqon kara daminta colaadaha ka taagan Soomaaliya, iyadoo rajo ka muujisay in 100-haweenka ah ee kasoo qaybgalay siminaarka ay meel marin karaan nabad ka dhalata Soomaaliya.

Xildhibaan Bishaaro Cabdi Garabey, ayaa u hadashay haweenka baarlamaanka ku jira, ayaa sheegay in haweenka ay door wanaagsan ku lahaayeen xorriyada dalka, haatanna looga fadhiyo inay kaalintooda ka qaataan soo celinta nabadda iyo sidii looga bixi lahaa colaadaha, iyadoo sheegtay in haweenka aysan ka muuqan halkii laga filyay.

"Dalka Soomaaliya waa ka jira fikrado qaldan, iyo in diinta si khalad ah loo turjumay, waxaan ka codsanayaa haweenka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay taas uga hortegi lahaayeen," ayay tiri xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey.


Sidoo kale, xildhibaan Xaawo C/llaahi Qayaad, oo iyaduna ka hadashay furitaanka siminaarka, ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay garab istaagaan dowladda Soomaaliya, si dalka looga saaro colaadaha. Iyadoo ugu dambeyn ay fannaanadda weyn ee Binti Cumar Gacal ay hees ku saabsan hooyada iyo doorkeeda ka qaatay furitaanka siminnaarka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya