Dowladda Jabuuti oo safaarad ka furatay Muqdisho

Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Dowladda Jabuuti ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay burburtay Soomaaliay, waxaana xafladda furitaanka safaaradda ka qaybgalya xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xafladda furitaanka, waxaa goobjoog ka ahaa ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka dekedaha gadiidka badda, cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade, safiirka dalka Yemen ee Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar, Safiirka Sudan ee Soomaaliya Fadil Al-Jasuuri, ergayga jaamacadda carabta ee Soomaaliya Max'ed Cabdalla Idiris.

"Waxaan ka mahadcelinayaa, sida quruxda badan ee looga soo qaybgalay xafladda furitaanka safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, safaaraddu waxay jirtay muddo hal sano ah, balse maanta ayaan fursad u helnay inaan furno," ayuu yiri safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo hadal kooban ka jeediyay xafladdii furitaanka safaaradda.

Danjire Rooble, wuxuu sheegay in safaaraddan laga furo Muqdisho uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayna macnaheedu tahay inaan shacabka Soomaaliyeed kala qaybgalno marxaladda ay mar walba ku sugan yihiin.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliy Max'ed C/llaahi Oomaar oo isaguna hadal ka jeediyay furitaanka safaaradda, ayaa yiri: "Waxaan ku faraxsanahay, furitaanka safaraadda Jabuuti. waxayna ka tarjumaysaa in dadka iyo madaxda dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya ay mataano walaalo ah."

Mudane Oomaar iyo danjire Rooble, ayaa waxay ugu baaqeen dalalka dariska la ah Soomaaliya inay safaaradahooda ka furtaan Muqdisho, iyagoo sheegay in taasi ay adkeynayso xiriirka Soomaaliyo iyo dalalkaas ka dhexeeya.

Safaaradda cusub ee Jabuuti, ayaa waxaa si rasmi ah calanka dalkaas uga taagay dhismaha safaaradda mudane Oomaar iyo dajire Rooble, waxaana halkaas heeso ka qaaday fannaaniin Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho, oo qayb yar ka maamusho dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa horay safaarado uga furtay dalalka Yemen, Suudaan iyo Ethiopia, iyadoo Jabuuti ay noqnoayso dalkii afaraad oo safaarad ka furta Muqdisho.

Dalal kale oo dhowr ah, ayaa safiirro u magacaabay Soomaaliya, kuwaasoo weli ku shaqeeya dalka Kenya, oo ay Soomaaliya daris yihiin, iyadoo dalka Kenya uu horay isaguna u magacaabay safiirka u fariisan lahaa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya