Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Wafdi isugu jira wasiirro, wasiiro ku xigeenno, xildhiabanno iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, oo loo magacaabay xalllinta dagaal beeleedyo ka socda gobolka Mudug, ayaa maanta gaaray degmada Gaalkacyo, si ay u xalliyaan dagaallo beeleedyo uu dhiig badan ku daatay.
"Socdaalkeennu, wuxuu ku saabsan yahay sidii aan u damin lahayn colaadda u dhexeysa beelaha walaalaha ee dagga gobolka Mudug, waxaana la kulmaynaa labada dhinac iyo maamullada ka jira gobolka," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/weli Maxamed Cali Gaas, oo saxaafadda la hadlay markii uu baqonimadii maanta gaaray Gaalkacyo.
Wasiirka iyo wafdigiisa, oo la dajiyay Hotel Embassy ee magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay durba kulammo la qaateen mas'uuliyiin maamullada ka jira gobolka Mudug, iyadoo aan la ogeyn inta casho ee uu qaadan doono safarkooda dhexdhexaadineed.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shalay guddigan u magacaabay inay xalliyaan colaadda u dhexeysa beelaha walaalaha ah ee duleedka degmada Gaalkacyo ku dagaalamaya.
"Tani, waa qayb ka mid ah tallaabooyinka ay xukuumadda Soomaaliya ku dhiirri-gelinayso nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, waana wadaynaa inta aan dalka oo dhan nabad ka dhigayno," ayuu sidoo kale yiri wasiirka hoggaaminaya wafdigan.
Maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda DKMG ah ee u socda dhexdhexaadinta xallinta colaadda ka taagan Mudug, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jira.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya