Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa warsaxaafadeed ay maanta Khamiis ah kasoo saareen magaalada Muqdisho, waxay kaga codsaday dowladda, xoogagga hubeysan iyo AMISOM inay shuruud la'aan ku joojiyaan dagaallada u dhexeeya, kuwaasoo ay khasaaraha ugu badan kasoo gaarto dadka shacabka ah.
"Waxaan ugu baaqaynaa Xarakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, inay u ogolaadaan hay'adaha gargaarka inay ka howlgalaan goobaha ay ka taliyaan si loo kaalmeeyo dadka dhibaateysan ee ku nool," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ururada warsaxaafadeedka soo saaray, oo kulan ku yeeshay Muqdisho intii aysan soo saarin warsaxaafadeedkooda, ayaa waxay si qoto dheer uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya ka taagan, iyo dhibaatooyinka haysta bulshada ku nool.
"Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo dhinacyada kasoo horjeeda ayay ururadan ka codsadeen inay joogayaan xabadda iyo duqeymaha ay waxyeellada faraha badan kasoo gaarto dadka shacabka ah, ayna ku badalaan nabad iyo wadahadal," ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Baaqan, ayay ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed kusoo beegeen iyadoo maalinta berri ah oo ay bisha December ku beegan tahay 10, lagu wado in dunida looga dabbaaldagayo maalinta xuquuqda aadanaha.
Dalka Soomaaliya, oo ay colaado ka taagan yihiin muddo 20-sano ah, ayaa waxaa horay baaqyo lagu dalbanayo in colaadaha la joojiyo u soo saaray waxgaradka, culummada iyo qaybaha kale ee bulshada, waxaase weli socda dagaallada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya