Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa shalay oo Arbaco ahayd guddi u magacaabay daminta colaado beeleedyada ka taagan Gobolka Mudug, isla markaana baaq u diray beesha calaamka, si gargaar loola soo gaaro shacabka Soomaaliyeed.
"Maamulada, odayaasha, waxgaradka, culimaa’udiinka, gaweenka iyo dhallinyarada ku nool gobolka Mudug, waxaan u jeedinayaa fariin ku saabsan nabad ku wada-noolaansho iyo in khilaafka taagan lagu xalliyo, sidii ay Soomaalidu dhaqan u lahaan jirtay lana waafajiyo xal-raadinta shareecada islaamka," ayuu yiri ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Guddiga uu ra'iisul wasaaruhu u magacaabay daminta colaadaha ka taagan goblka Mudug, xubno wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasasare ku-xigeenka, ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali, waxaana ka mid ah xubnaha guddiga: wasiirka arrimaha gudaha Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasoo si dhaqso ah magaalada Gaalkacyo u tagi doona, si ay u soo xaliyaan colaadda taagan.
Dhank kale, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuu farriin ku aaddan abaaraha ka tagan Soomaaliya u diray beesha caalamka, isagoo ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii abaaraha dalka ka taagan ummadda looga sama-tabixin lahaa.
"Sida taariikhda ku cad midnimo, wada jir iyo iskaashi ayay ummaddaha adduunku uga gudbaan aafooyinka ku dhaca, annaga oo ah ummad islaam ah, waxaa lagama maarmaan ah in gobol iyo degmo walba laga sameeyo rabbi tuug si naxariista Alle aan uga gudubno dhibaatadaasi," ayuu sheegay ra’iisal wasaare Farmaajo.
Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in xukuummadda Soomaaliya, aysan ay intii karaankeeda ah aysan waxba ka hagran doonin sidii dad iyo duunyaba looga badbaadin lahaa abaarahaasi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya