Burcadbadeed Soomaaliyeed oo madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay Saudi Arabia

Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Burcadbadeed Soomaali ah, ayaa sii daayay markab laga leeyahay dalka Sucuudi Carabiya Arbacadii shalay, kaasoo ay afduub ku haysteen muddo sagaal bilood ah, kaddib markii ay ka qaateen madaxfurasho lacageed.

Markabka lasii daayay oo lagu magacaabo MV Al-Nisr Saudi, ayaa waxaa la socday 14-shaqaale ah, isagoo si nabadgalyo ah uga ambabaxay xeebaha Soomaaliya, markii kooxihii haystay ay sii daayeen.

"Al Nisr Saudi, waxaa la qabsaday 1-dii Maarso, waxaana lasii daayay Arbacadii shalay, kaddib markii laga qaatay madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 1.8-Million Dollar," ayuu yiri Andrew Mwangura oo ah mas'uul la shaqeeya hay'ad ka shaqeysa badbaadinta badmaaxiinta bariga Afrika.

Mwangura, ayaa sheegay in shaqaalihii la socday markabka ay dhammaantood caafimaad qabaan, balse ay u baahan yihin gargaar dhinaca raashinka ah, maadaama la haystay muddo dheer.

Kooxaha markabkan haystay, ayaa ka qabsaday badda cas, isagoo ka yimid dalka Jabbaan ku socda dalka Saudi Arabia, iyadoo Muwangura u sheegay inuu siday xamuul culeyskiisu yahay 5,136-tone.

Hay'adda badaha caalamka, ayaa laga soo xigtay in burcadbadeedda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan 22-markab iyo 512-shaqaale ah oo la socda, kuwaasoo ay ka doonayaan madaxfurasho lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya