Sheekh Maxamed Siciid Atam oo dagaallada ka socda gobolka Mudug ku eedeeyay Puntland iyo Galmudug

Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Sheekh Maxamed Siciid Atam, oo horay ula dagaalamay maamulka Puntland, ayaa dagaallada ka socda gobolka Mudug gaar ahaan duleedka magaalada Gaalkacyo, mas'uuliyaddooda dusha uga tuuray maamullada Puntland iyo Galmudug.

"Dagaalladan, waa kuwo ay abaabuleen maamullada Puntland iyo Galmudug, iyagoo amar ka haysta Mareykanka," ayuu yiri Sheekh Maxamed Siciid Atam oo saakay oo Khamiis ah u warramay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho, isagoo aan sheegin halka uu ku sugan yahay.

Sheekh Atam, oo ah hoggaamiyaha koox dagaal culus la gashay Puntland, ayaa xusay in dagaallo beeleedyadan ay yihiin kuwo laga isaga horkeenayo shacabka, ayna daba socdaan kuwo horay uga dhacay deegaanno ka tirsan deegaank Ufeyn ee gobolka Bari, deegaanno ka tirsan Gobollada Nugaal, Sool, Sanaag iyo Togdheer.

Hoggaamiyahan, ayaa sheegay in sababta dagaalladan loo abaabulay sidii loosoo celin lahaa dagaallo beeleedyadii horay uga jiri jiray Soomaaliya, kuwaasoo sannadihii ugu dambeeyay si nabad ah kuwada noolaa.

Mar la weydiiyay, inuu xiriir la leeyahay Xarrakatul Shabaab iyo in kale, ayuu yiri: "Dadku waa walaalo, ma dhacayo xiriir lama lihin iyo waan la leennahay, balse waan taageeranaynaa cid walba oo u taagan difaaca diinta."

Puntland iyo Galmdug, ayaan ka hadlin eedeynta kaga timid Sheekh Atam, ee ah inay iyagu ka dambeeyaan dagaallada dadka xoolo dhaqatada ah ku dhexmaraya magaalada Gaalkacyo oo kala qaybisa maamulladooda.

Dagaallada ka socda gobolka oo u dhexeeya beelo xoolo dhaqato ah, ayaa waxaa ku dhintay in ku dhow 20-qof, iyadoo dhinacyadu ay isku hayaan dhul daaqsin ah, iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu guddi u saaray daminta colaaddaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya