Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Maxkamad ku taalla dalka Sweden, ayaa ku shalay ku xukntay laba dhallinyaro Soomaaliyeed xabsi min fara sano, kaddib markii la sheegay inay qorsheynayeen falal argagaxiso oo ay ka geystaan dalkaas.
Dhallinyarada Soomaalida ee la xukumay oo lagu kala magacaabo Maxamuud Cali Mursal iyo Bile Ilyaas Maxamed, oo da'doodu tahay 20-jir iyo 26-jir, ayaa dacwadda lagu soo oogay lagu sheegay iny xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaab, uuna midkood kusoo tababaray xeryaha ay kooxdan ku leedahay Soomaaliya.
Labadan dhallinyarada ah ee xabsiga lagu xukumay, ayaa iska diiday dacwadda lagu soo oogay ee ah inay qorsheynayeen inay fuliyaan weerarro argagaxiso, balse waxay sheegeen inay booqdeen Soomaaliya, ayna taageereen fikradaha Xarrakatul Shabaab.
Maxamuud Cali Mursal, ayaa bishii May ee sannadkan, ay ciidammada amaanka dalka Sweden ka qabteen gudaha magaalada Stockholm, halka Bile isna laga soo qabtay bishii June ee sanadkan tuulo ku dhow magaalada Stockholm.
Abbaha dhalay, Maxamuud oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in dacwadda lagu soo oogay wiilkiisa ay tahay mid aan sax ahayn, isagoo sheegay inuu booqday Soomaaliya, balse aysan taasi la micno ahayn inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.
Cali Mursal, oo ah aabbaha Maxamuud, ayaa sheegay in dacwadda ay ka qaateen abiil, ayna maxkamado kale u gudbi doonto, isagoo sheegay in garyaqaannada u doodayay dhallinyaradan ay la yaabeen sida ay dacwaddu ku dhacday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya