Dibax-baxyo Roob-doon ah oo ka dhacay Gobolka Gedo

Khamiis, 09 December, 2010 (HOL) − Dibadbaxyadaan oo ahaa kuwo roob doon ayaa maanta wax ay ka wada dhaceen demooyinka gobolka Gedo, waxaana dibadbaxyadani soo qabanqaabiyay maamulka xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo.

Dadweeyne aad u fara badan ayaa maanta isugu soo baxay degmooyinka Baardheere, Beledxaawo, Garbahaareey iyo deegaano kale oo hoosyimaada, kuwaas oo dhamaantoodba ka qeybqaadanayay dibadbaxyada Alle looga baryay roob in uu u keeno dadka iyo duunyada ku dhaqan goobolka Gedo.

Degmada baardheere oo kamid ahayd degmooyinkii ay maanta ka dhaceen dibadbaxyada ayaa waxa ay dadweeynihii ka qeybqaadanayay dibadbaxaasi isugu tageen meel fagaare ah halkaas oo ay ku oogeen salaadii roobdoonka ahayd, waxaana salaada kadib halkaasi ka duceeyay masuuliyiin katirsan maamulka degmada baardheere ee Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale dibadbaxayadani ayaa waxa ay ka jireen guud ahaanba degmooyinka gobolka Gedo, waxaana dadweeynihii ka qeybqaadanayay ay ilaah ka baryayeen in uu siiyo roob, maadaama gobolka Gedo ay ka jirto abaro aad u daran oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaasi.

Dibadbaxayadani roobdoonka ah ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Gedo ay ka jirto abaaro aad u ba'an oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaasi Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya