"Waxaa laamaha amniga ee gobolka lagu amray in ay gacanta ku soo dhigaan cid kasta oo loo arko in ay amaanka liddi ku tahay " ayuu yiri Sheekh C/xaafid
Gudoomiyahaha gobolka ayaa sheegay in ciidanku ay qaban doonaan cid kasta oo looga shakiyo in ay amaanka wax u dhimayso ,iyadoo shalay Bosaaso lagu toogtay labo ruux oo fal dil ah gaystay.
"Waxaan shacabka ugu mahad celinayaa shaqadii ay qabteen ,waana in la dhiirigaliyaa howlahaa amaanka lagu sugayo " ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha.
Mar la waydiiyay gudoomiyaha xiliga uu ku egyahay raafka ay wadaan laamaha amniga ayuu sheegay in la wadi doono inta ay ka joogsanayaan dilalka qorshaysan ee Bosaaso ka dhaca.
Ugu danbayntii howlgaladan amniga lagu sugayo ayaa sidoo kale waxa ay ka socdaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug,iyadoo maamulka gobolkaasina uu iska fogeeyay warar sheegayay in ciidamo ka tirsan degmada ay xasuuqeen dad xoolo dhaqato ah oo Gal-Mudug ka soo jeeda.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya