Munaasabadda sanadguuradii 12aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Puntland oo lagu qabtay Stockholm (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, August 04, 2010(HOL): Xuska munaasabada ayaa ka dhacdey Caasimada Wadanka Sweden Stockholm ,waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyinta Soomaaliyeed ,Haween,Dhalinyaro,Kooxo fanaaniin ah,Isimo,Aqoonyahano iyo martisharaf kala duwan munaasabada oo aay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha reer Puntland ee Caasimada Sweden ayaa waxeey u dhacday si wanaagsan
'
Sido kale waxaa Munaasabada ka soo qeyb galay Jaaliyada Söderhamn ee haweenka oo aay Hogaamineysay Marwo Faadumo Cabdulaahi ayaa taageero buuxdo u muujisay dhamaan Shabka reer Puntland iyo Shacabka Soomaaliweyn meel kasta oo jogaan sida aay warka u dhigtay mar aay la hadlay TELEVISIONKa Caalamiga ah ee Star Tv wadanka Sweden Qeybtiisa Soomaaliga.
 

Ugu horeeyna waxaa Munaasaba Ka hadlay Mudane Bashiir Cabdulle ka hadlayaay Taariikhda Puntland iyo mar xaladaha kala duwan ee aay soo martay waxuuna yiri dhamaan ka soo qeyb galashaayaa Munaasabada waad mahadsan tahiin caawana waxaan halkan isugu nimidh waxeey aheyd Sanad Guuradii 12aad ee ka soo wareegato Dowlad Gobaleedka Puntland, Puntland Magaca La yiraahdo waxaa la As Asay Sandii 1998 Waxeyna aheyd Sababahii loo aas aasay Rabitaan ka yimidh in Dowlad Gobaleed la sameysto Shacabka Reer Puntland Maantane Puntland waxeey noqotay Gacanta Kaliya ee Soomaali oo dhan aay barkatay waxaanu leeyahay Hambalyo Sanad Guuro Wanaagsan Dhamaantiin Shacabka Reer Puntland-now,
 
Dhanka kale waxaa Isla Munaasabada ka hadlay Oday Soomaaliyeed ee magaciisa la yiraahdo Jaamac Muumin Sido kale waxuu hambalyo udiray dhamaan reer Puntland meel kasto oo aay jogaan oyo shacbiga Soomaaliyeed waxuuna intaasi ku sii daray maanta in aan muhiim aheyn in Soomaalida Qoloba maalin aay u dabaal Degto ee loo baahan yahay Sidii Soomaalida lagu mideyn lahaa Nabad waartana loo heli lahaa Gabi ahaanba Dalka Soomaaliya Dadka laga Rabo in aay Nabadaas raadiyaane waa Shacka Nabada jecel ee Soomaaliyeed Waad mahadsantahiin .
 

Sidoo kale Waxaa Hadal Kooban ka soo jeediyay iyo Baaq DR, Cabdulaahi Xaaji Dayab waxuna Hadalkiisa Ku bilaabay sidan Sanadaguuro Wanaagsan Dhamaan Shacabka Soomaaliyeedow meelkasta oo aad joogtaan Gaar ahaan Dowlada Puntland iyo Shicibkeeda Marka hore waxaan idin lee yahay ku dadaala sidii aad nabad ogu heli laheydeen Koonfurta Garabna aad ogu siin laheyd Dowlad Soomaaliyeed oo hantata Gabi,ahaanba Gayiga Soomaaliyeed intaas kadib waxaan Rabaa inaan la hadlo Soomaalida ku nool Sweden aniga waxaan horta ka imid Canada wax anaan Soomaalida ku nool USA,CANADA, iyo UK idin heysta Codbuuxdo Kuma lihidiin oo dad Dowlada idinkuugu jiro malahan waxaasne waxaa mas,uul u ah Isku Duubni la,aanta Reer Swedhanow sidaas darteet isku daya inaad sida Soomaalida ku nool wadamada aan Soo xusay aad Cod ku yeelataan Dowlada aad la nooshahiin kumaan Qof oo Soomaali ah ayaa Heysta Dhalashada Sweden maalin kasta u codeeya daad aan ka hadleyniin Danahooda marka hada waxa jira wilaal Soomaaliyeed oo u sharaxan iney Galaan Baarlamaka Sweden u codeeya Asalaamu Caleykum ,
 
Xaawo Cilmi ayaa ayadane waxeey Munaasabada ka soo jeedisay Tix Buraanbur iyo wliaba Gubaabo ku aadan dhamaan Dadka Soomaaliyeed in aay maanta yahiin daad calooshooda banaanka taalo sidaasi darteetne aay muhiim tahay in taageero buuxda la siiyo Nabada Soomaaliyeed waxana idin kula talinayaa in aanu muhiim noqoeyniin in aad ku noolaataan dal aan dalkiina aheyn waxaana idin hudhan Dalkiina Hooyo ee ka qeyb qaata sidii nabad Buucda loogu heli lahaa Gaar ahaan dhalinyarada wax bartay ayaan ku wadaan Fakarkeygu sidaa darteet waa inaad Noqotaan Dad u soo jeeda dalkooda iyo Nababeytiisa
 
Intaas kadibne wxaaa la isaga dhax baxay Fananiintii Codka Macanaa Iyo Sahacabkii Fanaaniinta kala aha Abdirisaaq Alteesto cabdifitaax yare Fanaan Abiti iyo waliba kuwo kale oo badan oo anaan hada magacyadooda halkan ku soo koobi karin ku Xusi karin.




By Wariye Cabdiraxmaan Diriiye Nuur
[email protected]
Stockholm, Sweden