Ciidamo dhacay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu qabtay K/Afrika

Arbaco, August 04, 2010 (HOL) - Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay booliiska dalkaas inay dhac, dil iyo dhaawacba u geystaan, kaddib markii shalay maxkamad lasoo taagay sarkaal booliis ah oo lagu eedeeyay inuu dhac u geystay dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah.

"Saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska gobolka Westren-Cape ee dalka Koonfur Afrika waxay lug ku leeyihiin dilalka, dhaca iyo dhaawacyada loo geystay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, waxaana caddeyn u ah saraakiil faraha kula jira howlahaas oo la qabtay," ayuu yiri C/maciin Max'ed Ayaanle oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Mr. Ayaanle wuxuu sheegay in maxkamad ku taalla magaalada East-London ee Gobolka Westren-Cape ee dalka Koonfur Afrika lasoo taagay sarkaal booliis ah oo dhawaan la qabtay kaasoo lacago badan ka dhacay dukaamo iyo shirkado ganacsi oo ay Soomaalidku ku leedahay gobolkaas.

"Dhowr jeer ayaan ka dacwoonay dhibaatooyinka ay booliiska qaarkood ku hayaan ganacsatada Soomaalida, balse ugu dambeyn waxaa lagu qabtay shan sarkaal oo falal dhac ah ku gudo jiray, waxaana dhamaantood lasoo taagay maxkamad," ayuu yiri C/maciin Max'ed.

Maxkamadda lasoo taagay sarkaalka booliiska ah oo aan magaciisa weli la shaacin ayaa ku xukuntay xabsi muddo dheer ah, waxaana todobaadkii hore sidoo kale lasoo taagay maxkamad ku taalla Koonfur Afrika afar sarkaal oo iyaguna booliiska dalkaas ka tirsan oo aan weli la xukumin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqlaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo howlaha ugu badan ee ay qabtaan ay tahay ganacsi, waxayna dhibaatooyin ay ku jiraan dilal kala kulmaan dabley la sheegay inay xiriir la leeyihiin booliiska gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya