Dagaal Dowladda KMG iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray G/Bakool

Arbaco, August 04, 2010 (HOL) − Dagaal khasaare dhaliyay ayaa maanta ku dhexmaray ciidamo taabacsan Dowladda KMG iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin deegaan ku dhow degmada Yeed ee gobolka Bakool.

"Ciidamada DKMG iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa saakay weerar kusoo qaaday deegaan lagu magaacabo Balliga PM-ka oo koonfur kaga beegan degmada Yeed ee gobolka Bakool oo ay Xarrakatul Shabaab fariisin ku lahayd, Dowladana waa looga guuleystay dagaalka," ayuu yiri afhayeenka dhinaca howlgallada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dagaalkaas uu socday muddo saacado ah, balse ma jirto cid dhanka dowladda KMG ah oo ka hadashay dagaalka, iyadoo dad ku sugan deegaannada ay dagaalku ka dhaceen ay sheegeen in dagaalku uu khasaare badan dhaliyay.

Goobjooge ka gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay saxaafadda in dagaalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dagaalkan ayaa daba-socday dagaal toddobaadkii hore ku dhexmaray degmada Yeed ee gobolka Bakool ciidammada dowladda ee halkaas gacanta ku hayay iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab, kaasoo looga itaal roonaaday ciidanka DKMG.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo sheegaya cidda gacanta ku haysa deegaankii saakay lagu dagaalamay, waxaana la sheegay in labada dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya