Caawi ninkan dhalinyarrada ah ee la xanuunsanaya buro uga soo baxday Garka.

Arbaco,  August 04, 2010 (HOL)  Faarax C/dulle Cabdi waxaa uu ka soo jeedaa deegaannka Maxaas ee Goballka Hiiraan, waxaana uu muddo ka badan 13-sano la xanuunsan yahay Buro aad u weyn oo uga soo baxday Garka, taasoo sida ay HOL u sheegeen Eheladiisalooga quustay in wax looga qabto dalka gudihiisa.

''Habeen iyo maailn waxaan dareemayaan xanuun aad u darran,'' ayuu yiri Faarax C/dulle'' oo intaa ku daran in marba marka ka danbeysa uu dareemayo culeys iyo in Buradu ay ku sii fideyso qeybo dhinaca cunaha
oo markii hore aysan gaarsiisneyn.'''

Eheladda ayaa sidoo kale waxaa aysheegeen in markii hore Buradu ka bilaabatay nabar yar oo uga soo baxay Faarax Garka, iyaga oo intaa ku darray in mar qaliin lagu sameeyay laakiin lagu guuldareystay in wax
badan laga qabto Burada oo hadda lafta Garka ka koreysa sida ay dhaqaatiirtu sheegeen ilaa 7- s.m

Waxaa ay ka codsanayaan dhamaan dadka Muxsiniinta ah iyo Jaaliyaddaha ku dhaqan dalka dibadiisa in la caawiyo Faarax C/dulle Cabdi oo sida sawirkiisa laga dheehan karo siweyn ula ildaran xanuunka ka soo food
saaray Buro kaga taala Garka taasoo ilaa hadda ay ka quusteen dhaqaatiirta ku sugan dalka gudihiisa.

Haddii aad dooneyso in aad caawiso Faarax C/dulle kala xiriir Tell: 0025261-5883589, 0025261-5861244, 0025261-5512001.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya