Duqeymo ka dhacay Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Arbaco, August 04, 2010 (HOL) - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 30-kalena way ku dhaawacmeen madafiic xalay fiidkii ku dhacay suuqa Bakaaraha iyo degmada Howadaag ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa kuwa dhaawacmay ayaa waxay dhamaantood ahaayeen rayid ku sugnaa gudaba Bakaaraha iyo agagaarka isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, waxaana afar qof oo ka mid ah dadka dhintay ay ku dhinteen hal goob.

"Dhawaaq aan badnayn oo rasaaseed ayaan maqalay, waxaana xigay madaafiic, madfac kusoo dhacay inta u dhexeysa shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shirkadda xawaaladda Amal ayaa waxaa ku dhintay afar qof, in ka badan 10-kalena way ku dhaawacmeen" ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu madfacu kusoo dhacay.

Goobjoogahan ayaa sheegay in goobta uu madfacu kusoo dhacay ay ahayd meel ay dad badan oo dhallinyaro ah iyo ganacsato ku sugnaayeen, dadka dhintayna ay ku jireen laba qof oo ka ganacsada iibinta rootiga.

"Dhaawacyadii aan xalay qaadnay waxay gaarayaan 26-qof, waxaana ka qaadnay Bakaaraha, isgoyska Baar-ubax, jidka Aadan Cadde iyo isgoyska Howlwadaag," ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka howlgala.

Cali Muuse, wuxuu sheegay inay arkeen maydadka dhowr qof, isagoo xusay in laga yaabo inay dhaawacyada iyo dhimashadu kororto xilliga oo habeen ahaa awgiis, balse iyagu qaadeen 26-dhaawac ah ayna geeyeen isbitaalka Dayniilye.

Madaafiicdan waxyeellada geysatay ayaa kasoo dhacaysay saldhigyada ay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladdu ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin duqeymo kale oo ku dhacayay qaybaha ay dowladdu ka maamusho Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya