Dadka Bosaaso oo Kaarar Aqoonsi ah Loo Samaynayo

Arbaco, August 04, 2010 (HOL)-Maamulka degmada Bosaaso ayaa sheegay in kaarar aqoonsi ah loo samaynayo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka si wax looga qabto xaaladaha amni darro ee baryahan danbe soo kordhay,kadib kulan lagu qabtay guriga degmada.

"Kaararkan waa kuwa lagu aqoonsanayo cidkasta oo fal danbi ah ka gaysata gudaha gobolka ,waana in ay dadwaynu qaataan " ayuu yiri duqa degmada Bosaaso oo ka qayb galay kulankii maanta.

Waxaa kaloo uu duqa degmada sheegay in kaararkan cidii ka soo horjeesata talaabo sharci ah laga qaadi doono,isla markaana maamulka uu qaadayo talaabooyin muhiim ah oo dhanka amniga ah.

Wasiir ku xigeenki amniga puntland C/risaaq Xareed oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay shirka ayaa sheegay in dilalka qaar laga soo agaasimo gudaha gobolka ,balse laga hortagi doono sida ugu haboon.

C/risaaq xareed ayaa xusay in kaararkan aysan ahayn kuwa lagu kala soocayo dadka,isla markaana arintan ay qayb ka tahay dadaalada loogu jiro xal u helida amniga gobolka.

Kaararkan aqoonsiga ah ayaa qofka samaysanaya waxaa ka saxiixaya nabadoonkiisa si loola socdo dhaq dhaqaaqyadiisa inta uu ku sugan yahay gudaha puntland.

Ugu danbaytnii Maamulka gobolka iyo kan degmada Bosaaso ayaa ka digay falalka amni darro ,waxaana kaararkan aqoonsiga ah hadii ay ka hirgalaan Bosaaso laga bilaabi doono magaalooyinka kale ee Puntland.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected] 
Bosaaso,Somaliya